Barbaarinta nafta caruurta

Related Post

Kala duwanaashaha aabaha iyo hooyada waxay saameyn ku yeelan kartaa koritaanka nafsi ahaan caruurta,sidaa darteed labada waalid waa inay la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan oo caruurta ku saacidi kara koritaan nafsiyan oo isu dheelitiran.
Waxaa xusid mudan in caruurta yihiin kuwo aad u nugul oo u sahlan saameynta waxyaabaha ku hareereysan nolosha dunida xumaan iyo samaanba,sidaas darteed labada waalid waxaa saaran masuuliyad aad u weyn oo ah barbaarinta maskaxdooda,garaadkooda,dareenkooda iyo u jeexidda dhabaha saxda ah ee nolosha mustaqbalkooda si uu berri u noqdo qof caaqil ah,fikir iyo hal abuur leh,isu miisaaman hab dhaqnkiisa.


Diinta islamka waxay inagu boorinaysaa barbaarinta nafta oo micnaheedu tahay in nafta laga ilaaliyo oo laga nadiifiyo beenta,xasadka,shirkiga,nifaaqa,xiqdiga iyo dhamaan cudurada ku dhaca nafta.
Koritaanka nafta waa is bedelka koriimada kala duwan ee uu marayo bini,aadamka ayadoo saameyn ku yeelanayso marxaladaha cimriga kala duwan,sidoo kale korintaanka nafta waa shaqo aan dhamaad lahayn ilaa qofka uu ka geeriyoodo.
Qodobada soo socda ayaa naga saacidi kara barbaarinta tarbiyada nafta;
1- Inay ku heshiiyaan labada waalid habka iyo hanaanka tarbiyada.
Waxaa lagama maarmaan ah in labada waalid ay isla meel dhigaan qaabka ay u korsanayaan caruurtooda.
2- Ogaanshiyaha muhiimadda ay leedahay xiriirka u dhaxeeya labada waalid iyo caruurta.
3- Caruurta waxay u baahanyihiin ka warqabka waalidkood iyo jaceylkood.
Sidoo kale waxyaabaha ugu wanaagsan ee mudan in lagu barbaariyo ubadka waxaa ka mid ah:
– In lagu barbaariyo ubadka jaceylka allaah iyo rasuulkisa scwm.
– In la baro ubadka lana jeclaysiiyo qur,anka kariimka
– In looga sheekeeyo ubadka ulajeedka uu allaah u abuuray umadiisa.
– In labada waalid ay baraan ubadka tiirarka iimaanka iyo sababha xoojiya iimaanka.

Leave a Comment