Since 1960 – waraysi dhinacyo badan leh oo aan la yeelanay xoghayaha dawlada hoose ee hargeysa

Waraysi Dhinacyo Badan leh oo aan la Yeelanay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa
Wednesday, 03 September 2008
Hargeysa (Somalilandnation)- Waxaa waraysi dhinacyo badan taabanaya aanu la yeelanay Xoghayaha Dawlada Hoose ee magaalada Hargeisa Maxamed Aw Aaadan Weyrax, waxaana uu u dhacay sidan

Su’aal:muddadii aad joogtay Dawlada Hoose waxaa jirra in dakhli badani ka soo xarooday Cashuuraaha dhulka,maxaa sababy ayaad filaysaa in dakhligu kordho?

Jawaab:kor u kaca dakhligu,wax wanaagsan ayuu u soo kordhiyey wax qabadka Dawlada Hoose,waxaana u sabab ahaa Shirarkii aanu wada galay Guddoomiyeyaasha degmooyinka,waaxda qorsheynta Dhulka iyo cashuuraha,ha ugu horayso Waaxda dhulka oo faylashii demooyinka yaalay si fiican u soo gudbisay iyo Joomitirada degmooyinka oo aan isku ognahay,in qofku marka uu yimaado faylkiisa si dhakhso ah inta goobta la tago,ka dibna loogu soo gudbiyo Xafiiska Cashuuraha,hadii ay sax tahay ,haddii kalena loogu qoro sax maaha oo mudddadii badnayd ee lacagtaasin halkaa war warwareegi lahayd ay meesha ka baxdo,sidaas ayaana wixii hagaagsanaa ku soo gudbeen.

Su’aal:Dawladda hoose ahaan maxaa addeegyo ah ee Bisha Ramadaan aad ugu talo gasheen inaad bulshada u qabataan,sidda Nadaafada iyo waxyaabaha kale ee bulshada aas aasiga u ah?

Jawaab:Inkasta oo ay jiraan Shirkado Private ah oo khashinka qaabilsan,haddana Dawlada Hoose marnaba kama gacan la’aan karto,runtii Bishan cagafyo cusub ayaa noo yimi oo Nadaafada iyo bilicda Magaalada ka qayb qaadanaya,waxaana aanu ku talo jiraa Bishan intii khashinka ahayd ee qabyada ahayd ee meelahaa ku hadhay ee cagafta loo la’aa in la guro.waxaa kale oo cagafyadan aanu kaga raysan doonaa Dhaamamkii khashinku buuxsamayey oo riixitaankiisu nooga baahnaa cagafyo,waxaa kale o bishan qorshaha noogu jirta in Bacaha oo faro baas ku haya deegaanka aanu u samayno shebeg iyo deyr iyo weliba bilicda iyo Wadooyinka magaalada oo runtoo dadweynaha ayaa soo baranaya

Sidii wax loo wada qabsan lahaa oo lacag intay iskamsoo ururiyaan ula yimaada Dawlada Hoose si wixii ka dhiman loogu daro,bishan waxaa kale oo noo qorsheysan la dagaalanka xaaraanta iyo makhaayadaha foosha xun.

Su’aal:Mushkilladaha wadooyinku waa qaar soo noq noqda,oo marka kab kab la saaraba uu roobku qaado,markaa majirtaa qorshe kale oo arintaa wax lagaga qabanayo,sidda iyadoo wadada la wada qaado oo mid cusub la saaro,si aan loogu noq noqon wadadii?

Jawaab:marka Dawlada Hoose ee Caasimada loo eego,ma fududa in laami la wada qaado oo mid cusub la dhigo,godadka la buux buuxinayaana markasta khasaare ayay nagu joogtaa.

Laba mushkiladood ayaa jira,midi waa wadooyinka qadiimiga ahaa ee Hargeisa ku yaala oo loogu talo galay baabuur lix tan ah,mid ka weynina muu mari jirin,maantana soddon iyo konton tan ayaa mara.ta labaad waxaa weeye meelaha ay biyuhu maraan oo aansax ahayn.

Runtii qorshaha aan immika damacsanahay waa mid ah in laamiga meesha laga qaado mid kalena la dhigo,laakiin awoodayadu 1KM kama badnaanyso,waxaanay ku xidhnaanaysaa sida dakhliga cashuuruhu noo soo galaan.

Su’aal:waxaa jirta in Shirkadaha waaweyn ee dalku ay taalooyin yar yar ka wadaan goobaha isgoysyada ah ee Caasimada,iyagoo weliba magacyadooda ku muujinaaya,miyaanay ka wanaagsanayn idinkoo ku dhiiri geliya inay wadooyin sameeyaan,looguna magac daro,maadaama oo taalo yar oo meel laga taagaa aanay faa’iido lahayn?

Jawaab:qaarkood waanu la galay hawlo noocaas ah,oo waxay noo ballan qaadeen inay wadoyinka qaarkood wax ka qabanayaan,waanay u fiicantahay iyaga oo marka ay street sameeyaan dadkiisu ma ilaabi doonaan,waxaanay u arki doonaan ganacsadahoodii oo wax qabad weyn u muujiyey,isagana magac ayay u tahay Aakhiro iyo Adduunkana xasanaad ayuu kaga helayaa,waanaan kuu dhiiri gelinaynaa.

 

Su’aal:Waxaa jirta in dhawaan aad Sariibada Idaacada ka rarteen dadkii deganaa,dad badanina waxaa ay sheegayaan in Sarriibadaa cid gaara laga iibiyey oo la dhisaayo,maxaa ka jira arrintaa?

Jawaab:Arrintaa Sariibada Idaacada hore waan u maqlay,waxaa weeye dadkeena waxaa ku jira dad ka shaqeeya waxyaabaha dadka lagu xumeeyo isku dhac iyo iska hor imaadna keena.Sariibadaasi waxay ahayd Sariibadihii la sameeyey xilligii Siyaad Barre,muddo dheerna waxba lagama qaban ,markaa maamulka Dawlada Hoose,Golaha Deegaanka iyo Maayarku waxay ka shaqaynayeen siddii loo horumarin lahaa,qaab cusub oo casriyana looga dhigi lahaa Sariibada Idaacada,runtii laba jeer ayay dib u dhacday,waxaana dib u riday dacaayado raqiis ah,lacagtii iyada la gelin lahaana meelo kale ayaa la geliyey,waana sax in meel kale la geliyo marka ay ka socon weydo dadkii lahaa.maalintii dhoweyd markaan dadka ka soo raray ee aan keenay banaanka Xisbiga,waan u sheegay dadweynaha ,waxaanan ku idhi inta la dhisaayo ayuunbaad halkan joogaysaan,runtii waxaa ay leeyiin guddiyi kala duwan oo hilibka iyo khudradaba leh,may aamuseene kuwaas ayaa qaylin lahaa,haddii xoolahoodii la iibiyey.inna Oomaar iyo Dahabshiil waxaan leeyahay xaal qaata,dee dadkiinii ayuunbaa odhanaya iyagaa laga iibiyey,iyadoo aan waxba laydinka iibin ama aydaan ahayn kuwo sariibado iibsanaya,wax la iibiyeyna ma jirto waana borobagaando ayaan dhowna waanu ku soo rari doonaa.

 

Mohamed Amiin

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *